Shabaab oo madaafiic ku weeraray garoonka Kismaayo

Shabaab oo madaafiic ku weeraray garoonka Kismaayo

daajis.com:-Ururka Al-shabaab ayaa maanta gelinki danbe weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo halkaasi uu ka biloowday dagaal faraha la isla galay.

Dagaal ayaa la sheegay inuu ka dhashtay, kadib marki Shabaab ay madaafiic ku weerareen gariinka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku sugan yihiin cidamada AMISOM.

Madiifcda ay Shabaab kusoo qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayay kusoo aadiyeen xilli ay garoonka ka baxayeen wefdi qaramada midoobay kasocday oo maanta booqday magaaladaasi.

Shabaab ayaa weerar iska caabin ah kala kulmay ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee Axmed Gureey iyo kuwa maamulka Jubba, waxaana la sheegay in madaaficda ay shabaab ku soo rideen garoonka uu xoogaa bur-bur dhismo gaarsiiyey.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba ayaa la sheegay inay ersadeen ururka Shabaab ee weerarka kusoo qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada