Markabka Cusmaan Geedi Raage oo halis ugu jira inuu quuso

Markabka Cusmaan Geedi Raage oo halis ugu jira inuu quuso

daajis.com:-Dhawaan ayay ahayd markii maxkamad ku taala Cadan, ay Maraakiibta Soomaaliyeed u xukuntay Ganacsade u dhashay dalka Yeman oo lacago amaah ah ku sheeganayay shirkada Kalluumeeysiga Soomaaliyeed.

Go’aankaas umaanu cuntamin Soomaalida , laakiin wax tallaabo ah oo laga qaadaya majirto.

Markabka ugu weyn maraakiibta ee lagu magacaabo Cismaan Geedi Raage ayaa waxaa soo galay biyo, kadib markii hoos uu ka duluushamay, maadaama aanu haysan wax dayactir ah.


Xuseen Xaaji Axmed Qunsulka Soomaaliya ee Magaalada Sanca ee dalka Yemen, ayaa xusay in markabkaasi uu halis ugu jiro inuu dago, maanta sidaasi awgeedna looga baahan yahay in laga hortago si uusan udagin.

Maraakiibtii Soomaaliya oo hada intooda badan yaala dalka Yemen, ayaan jirin dan laga leeyahay marka loo eego Dowladda Soomaaliya, iyadoo Dowladda waliba oo dalkaan soo marta ay soo hadal qaadeyso kaliya, kadibna halkaasi looga hadhayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada