Barca Iyo Atletico Madrid Oo Isku Garab Dhacay Kulankoodii Ugu Horeysay Ee Champions League.

Barca Iyo Atletico Madrid Oo Isku Garab Dhacay Kulankoodii Ugu Horeysay Ee Champions League.

daajis.com:-Kooxaha La Liga ee Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa kulankoodii ugu horeysay ee tartamada Yurub abid barbaro ku galay garoonka Camp Nou ka dib markii ay isku dhaafi waayeen barbaro 1-1 ah iyadoo Atletico ay heysato faa’ido gool marti ah.

Barcelona ayaa ciyaartaan ku soo bilowday goolhaye Pinto madaama uu maqan yahay Valdes oo dhaawac ah halka afka hore ee weerarka ay hogaaminayeen Messi, Neymar iyo Fabregas, dhanka Atletico waxaa kooxda line-upkeeda ku soo laabtay Tigao, Arda Turan iyo David Villa halka Raul Garcia uu ganaax kaga maqnaa.
Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay Atletico Madrid iyadoo goolhaye Pinto uu fursad halis ah oo gool loo fishay ka beeniyay David Villa oo kubada ku helay goolka horteeda.
Daqiiqadii 26aad Barca ayaa u muuqatay inay hogaanka qabaneyso markii Messi uu kubad fiican oo baas ah u dhigay Iniesta laakiin darbadii uu Iniesta goolka ku dhalin lahaa waxaa isku dhigay oo si geesinimo leh ku badbaadiyay Diego Godin.
Dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta ayaa sidoo kale ay Atletico isku dayday inay laad xor ah ku gaado Barcelona iyadoo kubad loo tuuray Villa laakiin darbadii Villa waxaa mar kale badbaadiyay goolhaye Pinto.


Labada kooxood waxaa qeybtii hore dhaawac kaga baxay Gerard Pique iyo Diego Costa oo la bedelay. Waxaana lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
Atletico Madrid ayaana hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 56aad markii gool aan caadi aheyn oo aad u qurux badan uu shabaqa ku hubsaday xiddiga reer Brazil Diego kaasoo kubad gantaal ah ka soo qaaday meel goolka u jirta 30 yard islamarkaana xagal ka geliyay shabaqa iyadoo Pinto uusan helin wax fursad ah.
Barcelona ayaase barbareysay ciyaarta daqiiqadii 71aad markii Andres Iniesta uu kubad dhex bixis aad u fiican ah u sameeyay Neymar kaasoo isna xajiiyay inuu kubadaas gool u bedelo taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah.

Goolkaas ayaa ahaa goolkii afaraad ee uu Neymar ka dhaliyo Champions League iyo goolkiisii 15aad ee tartamada oo dhan.
Afar daqiiqo ka dib goolhaye Courtois ayaa darbo gool loo fishay ka beeniyay Iniesta iyadoo ay aheyd badbaadin cajiib leh oo uu sameeyay goolhayaha reer Belgium.
Courtios ayaana fursad kale oo laad xor aheyd ka badbaadiyay Lionel Messi, iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah, waxaana lugta labaad la booqan doonaa garoonka kooxda Atletico Madrid Vicente Calderon isbuuca soo socda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada