Manchester United Iyo Bayern Munich Oo Barbaro Galay Xilli Schweinsteiger Casaan La Siiyay.

Manchester United Iyo Bayern Munich Oo Barbaro Galay Xilli Schweinsteiger Casaan La Siiyay.

daajis.com:-Manchester United iyo Bayern Munich ayaa barbaro 1-1 ah ku galay garoonka Old Trafford ka dib ciyaar xiiso leh oo dhexmartay oo aheyd lugta hore ee wareega 8da Champions League, iyadoo gool uu dhaliyay Nemanja Vidic uu beeniyay Schweinsteiger kaasoo casaan la siiyay dhamaadkii ciyaarta. Halka Bayern Munich ay heshay faa’ido goolka martida ah.

Man United ayaa waxaa kulankaan ka maqnaa daafacooda midig Rafael kaasoo aan ka soo kabsanin dhaawac ka soo gaaray kulankii Aston Villa, halka Ryan Giggs mar kale fursad loo siiyay inuu ku soo bilowdo khadka dhexe.
Bayern Munich waxaa ka maqnaa Thiago Alcantara, Holger Badstuber iyo Diego Contento oo dhamaantood dhaawac ah, waxaana ku soo bilowday Toni Kroos oo ay ugaarsaneyso Red Devils.
Man United ayaa kubada shabaqa la heshay markii ay ciyaarta socotay seddex daqiiqo laakiin goolkaas waa laga diiday markii Welbeck uu kubada ka qaatay wajiga Martinez ka hor inta uusan shabaqa soo taaban.
Arjen Robben ayaa isna Bayern Munich u abuuray fursadoodii ugu horeysay daqiiqadii 29aad inkastoo ay kubada iska heysteen, laakiin darbadii uu ka tuuray meel 25 yard uy jirta goolka waxaa si fantastik ah ku badbaadiyay goolhaye De Gea.



United ayaana heshay fursadii ugu fiicneyd ee ciyaarta ee qeybtii hore daqiiqadii 36aad markii Welbeck uu kubad hal ka hal ah ku helay goolhaye Neuer laakiin waxa uu damcay inuu si qatar ah kubada kaga dulqaado goolhayaha Bayern Munich laakiin Neuer ayaa ku fahmay oo kubada hal gacan kaga difaacday.
Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah ka dib kubad qurux badan oo lagu soo bandhigay Old Trafford.
Manchester United ayaana hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 58aad markii kubad kooner aheyd uu soo qaatay Wayne Rooney uu madax ku dhaliyay kabtan Nemanja Vidic taasoo ciyaarta ka dhigtay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay Man United.
Waa markii ugu horeysay muddo shan sanno ah oo uu Nemanja Vidic gool ka dhaliyay koobkaan Champions League, waana goolkiisii seddexaad ee uu ka dhaliyo tartankaan.
Daqiiqadii 66aad ayayna Bayern Munich jawaab ka bixisay goolkaas markii Schweinsteiger uu kubad dhex dhigay shabaqa ka dib kubad uu madax ugu soo baasay Mandzukic taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah.
Schweinsteiger ayayna u tahay markii ugu horeysay ee uu seddex gool oo Champions League ah dhaliyo hal xilli ciyaareed gudaheed.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Schweinsteiger ayaana casaan la siiyay ka dib markii uu jaale labaad ku qaatay Wayne Rooney daqiiqadii 88aad ee ciyaarta, waxaana ay taasi ka dhigan tahay in Schweinsteiger  uu seegayo kulanka lugta labaad ee isbuuca soo socda ee ka dhacaya Allainz Arena si la mid ah Javi Martinez oo jaale qaatay kulankaan isagana seegaya kulanka soo socda.
Waxaana ay ciyaarta ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah ooa y isla dhaafi waayeen kooxda martida loo ahaa iyo kooxda difaacaneysa koobka Champions League.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada