daajis.com:-Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo dagaal looga saaay Magaalada Kismaayo isaga iyo ciidamo uu wato, ayaa mar kale ku hanjabay in uu dagaal la gali doono Maamulka Jubba uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ,kuwaa uu ku eedeeyay in dhibaatooyin ka wadaan Magaalada Kismaayo.
Wareysi uu Barre Hiiraale siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayuu ku sheegay in Magaalada Kismaayo ay ka taagan tahay dhibaato xoogan , waxa uuna ku eedeeyay Ciidamada Magaaladaasi maamula in dil ,dhac iyo dhibaatooyin badan u geestaan Shacabka ku dhaqan Magaaladaasi.
‘’ Dadka Kismaayo jooga Dhibaatooyin xoogan ayaa lagu hayaa , wey nala soo xariiraan mar kasta oo dil , Kufsi ,Dhac iyo dhibaatooyin kale loo geesto , waxaana shacabkaasi ku jiraan dhibaatooyin ay ku hayaan Kooxda meeshaasi heesata’’ ayuu yiro Barre Hiiralae.
Dhinaca Kale Col.Barre Hiiraale ayaa sheegay in uusan wax wada hadal ah la galli Doonin Maamulka Kismaayo ka jira , waxa uuna tilmaamay in uusan aqoon saneyn wax la yiraahdo Maamulka Jubba oo ka arimiya Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Hadalka kasoo yeeray Col. Barre Hiiraale oo hada kusugan Duleedka Kismaayo ayaa imaanaya xili ay guul daro kusoo dhamaatay waan waan isaga iyo Maamulka Jubba laga dhax waday , waxa uuna Barre Hiiraale ku hanjabay in uu mar kale dagaal la gali doono Maamulka Jubba.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at