Ciidamada Mucaaradka Siiriya ka dagaalama oo la gu’doomiyay laguna qasbayo in ay is dhiibaan

Ciidamada Mucaaradka Siiriya ka dagaalama oo la gu’doomiyay laguna qasbayo in ay is dhiibaan

daajis.com:-Ciidamada Daacada u ah Madaxweynaha Dalka Siiriya Bishaar Al-Asad ayaa lasoo baxay awoodo dheeraad ah, iyadoona lasoo sheegayo in ciidamadaasi ay hada qarka u saran yihiin in ay la wareegaan Magaalada Homs oo ah Magaalada Sadaxaad ee ugu weyn Dalka Siiriya .

Magaalada Homs ayaa ah magaaladii uu ka bilowday kacdoonka looga soo horjeedo Xukuumada Dalka Siiriya , waxaana hada inta badan gacanta ku haya Magaaladaasi oo ah mid istaraatiiji ah Dagaalyahanada kasoo horjeeda Xukuumada Bishaar Al-Asad.

Ciidamada Daacada u ah Bishaar Al-Asad ayaa jaray wadooyinkii sahayda iyo taageerayaasha u soo mari jireen Xoogaga Mucaaradka ee ku sugan Magaalada Homs, waxaana gabi ahaan la diiday in Magaaladaasi ay galaan wax sahay ah.

Waxaa lagu amray Xoogaga Mucaaradka ee heesta Magaalada Homs in ay isku soo dhiibaan Ciidanka Bishaar Al-Asad , waxaana lasoo warinayaa in ay jiraan dagaalyahano katirsanaa Mucaaradka oo is dhiibay halka kuwa kalana ay sheegeen in ay dagaalka sii wadi doonaan ilaa ay ka dhintaan.

Awooda mucaaradka Siiriya ee hubeysan ayaa waxaa si weyn u wiiqiyey khilaaf soo dhexgalay ururada mucaaridka dhexdooda gaar ahaan kooxaha hoostaga Al Qacida ee Al Nusra iyo ISIL oo dagaalo ku dhexmareen waqooyiga Siiriya iyo nawaaxiga xaduuda dalkaasi Ciraaq, waxaa sidoo kale yaraaday Dhaqaalihii ay heli jireen Kooxaha Mucaaradka ee ka dagaalama Dalka Siiriya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada