War-murtiyeed laga soo saaray socdaalkii R/wasaaraha iyo shirarkii Kismaayo+Sawirro

War-murtiyeed laga soo saaray socdaalkii R/wasaaraha iyo shirarkii Kismaayo+Sawirro

daajis.com:-Munaasabad gabogabo u aheyd socdaalkii shaqo ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayay ay ku tageen Kismaayo, kuna sugnaa muddo hal todobaad ah magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ceymiskii hore.

Munaasabadan ayaa waxaa lagu casuumay madax dhaqameedyada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxgarad, haweenka culumaa’udiin, iyadoo ay goob joog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada dawladda Federaalka, xildhibaano, safiiro matalayay Itoobiya iyo IGAD, wakiil ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM iyo marti sharaf kale.rw6
Intii ay socotay munaasabadan ayaa laga aqriyay War-saxaafadeed ka kooban sideed boqol kaasoo lagu cadeeyey in dhinacyadu ay isku afgarteen dhamaamba qodobadii ay ka wada hadleen, waxayna sidoo kale si wadajir ah u adkeeyeen in la dhaqangeliyo qodobada heshiisyadii Addis Ababa iyo Muqdisho ee u dhaxeeyey dawladda Federaalka iyo hogaanka sare ee maamulka Jubba.

Qodobada War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in ciidamo ku sugnaa muddooyinkii la soo dhaafay duleedka magaalada ay soo galeen gudaha magaalada Kismaayo, kaddib wadahadalo iyo isfaham ay la gaareen hogaamiyeyaasha dawladda, kuwa Jubba iyo kuwa dhaqanka, waxayna arrintani bilow u tahay qorshe si dhameystiran dib loogu soo celinayo ciidamadaasi ku sugan banaanka magaalada, kaddibna lagu daro ciidanka rasmiga ah ee dawladda Federaalka, si ay u helaan xaquuqda ciidanka iyo mushaaraadkaba.rw5
Wakiiladii ka socday beesha caalamka oo munaasabada ka hadlay ayaa xaqiijiyay taageeradooda heshiiskan iyo is fahamka labada dhinac, waxayna balan qaadeen in ay qeyb ka qaadanayaan sidii loo fududeyn lahaa dhaqangelinta heshiiskan.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh, wuxuuna xusay inuu aad ugu faraxsan yahay niyad wanaaga ay isaga iyo wafdigiisa u muujiyeen hogaanka sare ee maamulka Jubba iyo qeybaha kala duwan dadyowga ku dhaqan Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna kula dardaarmay inay xoojiyaan nabadda iyo iskaashiga.

“Socdaalkeygan waxaan ku xaqiiqsaday in Kismaayo ay ka go’antahay nabad iyo iskaashiga, waxaana idiin sheegayaa dadku waxa ay go’aansadaan wey gaaraan, waxaan rajeynayaa in Soomaali meel kasta oo ay joogto ka gudubto dagaalka iyo khilaafka ayna u gudbaan nabad, iskaashi iyo wadajir” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo hadal dheer ka jeediyay munaasabadan.

Fadlan lifaaqa hoose ka eeg Warmurtiyeedka oo dhameystiran kuna qoran Soomaali iyo English

Warmurtiyeed Kismaayo – Somali

Communique English Version

  rw4rw3rw2rw1



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada