Ninka Ugu Orodka Badan Dunida Usian Bolt Oo Ka Hadlay Goolkii Bale Uu Ka Dhaliyay Barcelona.+VIDEO

Ninka Ugu Orodka Badan Dunida Usian Bolt Oo Ka Hadlay Goolkii Bale Uu Ka Dhaliyay Barcelona.+VIDEO

daajis.com:-Markii uu Bale bilaabayay inuu orod uga soo dhaqaaqo khadka dhexe Barcelona, Usain Bolt waxa uu bartanka kaga jiray tababar uu ku sameynayo dalkiisa Jamaica.
Laakiin qof ayaa u sheegay inuu jiro finalka Copa del Rey, iyadoo teknooloojiyada ay u saamaxday inuu arko goolkii Gareth Bale.
“Waxa ay aheyd gool aad u weyn” ayuu Bolt taleefanka ugu sheegay jariirada Isbaanishka ee Marca.
“Waxa uu soo bandhigay xawaarihiisa weyn markii uu dhaafay daafaca, ka dibna waa uu isdejiyay isagoo kubada ka hoos bixiyay goolhayaha” ayuu ninka ugu orodka badan dunidaan ka soo yiri caasimada dalkiisa ee Kingston.
Bolt ayaana ka hadlay orodka xiddiga reer Wales: “Waxa ay u muuqataa in waayihiisii hore ee uu orodyahanka ka ahaa Cardiff Institute inay ka caawisay inuu sidaan u dhaqaaqo. Waa gool uu orodyahan kasta oo xawaare dheer uu jeclaan lahaa inuu dhaliyo maalin uun” ayuu yiri.

Usian oo taageere weyn u ah Manchester United islamarkaana ay si gaar ah isku yaqaanaan Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu Bale orodkiisa arkay markii uu joogay Tottenham: “Waa ciyaaryahanka kubada cagta ee ugu dheereeya waqti xaadirkaan” ayuu Bolt yiri.
Bilo yar ka hor markii Bale uu u saxiixay Real, Bolt ayaa u soo bandhigay inuu siin doono tababar ka caawiya orodkiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada