Daawo Muuqaal:- Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee Mareykanka oo soo wajahday cabsi iyo wel wel baaxad weyn!

Daawo Muuqaal:- Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee Mareykanka oo soo wajahday cabsi iyo wel wel baaxad weyn!

daajis.com:-Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday cabsi iyo wel wel baaxad weyn ka dib markii dhawaantaan kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen wiil iyo gabar Soomaaliyeed iyadoona Soomaalida ka tirsan ciidanka booliiska ee gobolkaas ay bilaabeen roondo joogto ah ay ku soo jiidanayaan islamarkaana ay ugu saarayaan cabsida iyo shakiga Soomaalida ku nool gobolkaas Minnesota 


Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday cabsi iyo wel wel fara badan oo ku saabsan noloshooda ka dib markii ay soo bateen falalka dilalka ah ee loo geysnaanyo dadka Soomaaliyeed iyadoona dhawaantaan lagu dilay magaalada Minneapolis wiil iyo gabar Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabi jirey Dahir Axmed Cabdiraxmaan oo 29 sano jir ahaa iyo Tahany Cabdi Cumar Erbob oo 24 sano jir ahayd, iyadoona jaaliyada Soomaalida ee gobolkaas ay codsadeen in wax laga qabto dilalakaas xad dhaafka ah ee loo geysanaayo dadka Soomaaliyeed, Soomaalida ka tirsan ciidanka booliiska magaalada Minneapolis ayaa waxay ayagu ay si joogto ah ay sameyaan roondo si ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaas ay uga saaraan shakiga iyo cabsida ay qabaan iyadoona ay arintaas noqotey mid soo jiidatey qaar badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaas Minnesota. 

Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalkas Mareykanka ay noqotey wax iska caadi ah dilalka loo geysanaayo dadka Soomaaliyeed ayaa waxay wararku sheegayaan inay dilalalkaas intooda badan ay yihiin kuwo ka yimid kooxo burcad oo Soomaaliyeed oo uu ka dhexeeyo dagaal islamarkaana dhexdoodu ay is ugaarsanayaan, Saraakiishaan Soomaaliyeed ee ka tirsan ciidanka Booliiska ee magaalada Minneapolis ayaa waxaa ay ayagu ay roondo ku tagaan goobaha ay ku kulmaan dadka Soomaaliyeed iyagoona ka dhegeysta Soomaalidaas waxyaabaha ay tabanayaan iyo sida ay u arkaan xalka waxa uu yahay arintaas oo wax weyn ka tari karta wax ka qabashada fal dambiyeeyada ka dhaca xaafadaha ay dadka Soomaaliyeed ka degan yihiin gobolka Minnesota eedalkaas Mareykanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada