Daawo Sawirada :-Madaxweyne iPhone Dahabi ah Hadiyad uga dhigay dhamaan dadkii kasoo qeyb galay Arooska Wiilkiisa

Daawo Sawirada :-Madaxweyne iPhone Dahabi ah Hadiyad uga dhigay dhamaan dadkii kasoo qeyb galay Arooska Wiilkiisa

daajis.com:-Madaxweynaha Dalka Nageria Goodluck Jonathan ayaa ka yaabiyay Dadka u dhashay Dalkaasi iyo dadyowga Caalamka kunool,kadib markii Xaflada Arooska Wiilkiisa dhamaan dadkii kasoo qeyb galay uu hadiyad ahaan u siiyay Telfoon Qaali ah.

jariirada Daily Mirror ayaa qortay in Madaxweynaha Dalka Nageria uu ka yaabsaday dhamaan kasoo qeyb galayaahii Xaflada Arooska Wiilkiisa ,kadib markii uu qof kasta oo kasoo qeyb galayaasha Xaflada arooska uu Hadiyad ahaan u siiyay Moobeelka dunida ugu danbeeyay ee iPhone oo galkiisu dahabi ka sameesan yahay.

Moobeelka iPhone-ka ee Hadiyad ahaanta uu u bixiyay Madaxweynaha Dalka Nageria, ayaa ahaa mid si gaar ah Shirkada Apple looga dalbay una soo farsameesay , waxa uuna Moobeelka Galkiisu Dahabiga yahay uu qiimo ahaan ka sareeyaa kuwa Suuqyada Shirkada Apple lagu iibiyo.

Moobeeladan uu Hadiyad ahaanta u bixiyay Madaxweynaha Najeria, waxaa dusha sare kaga sawiran Wiilka Madaxweynaha dhalay iyo gabadha oo calmaday , waxaana dusha sare ee Moobeeladan kaga qoran Qoraal uu ku saxiixan yahay Madaxweyne Goodluck Jonathan, oo loogu mahad celinayo dhamaan marti sharaftii kasoo qeyb gashay Xaflada arooska Wiilkiisa.

Arooskan ayaa noqday mid si aad ah looga hadal hayo Dalka Nageria iyo Meelo badan oo duida kamid ah , waxaana Goobta Xaflada Arooska Wiilka Madaxweynaha Najeria ka dhaceysay ka dareeray dhamaan kasoo qeyb galayaashii xafladaasi iyaga oo faraxsan.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada