Wasiir Abdikarim Xusen Guleed oo maanta hor tagaya Baarlamaanka

Wasiir Abdikarim Xusen Guleed oo maanta hor tagaya Baarlamaanka

daajis.com:-Waxaa lagu wadaa in maanta Baarlamaanka Federaalka Somalia uu hortago Wasiirka Amniga Qaran C/kariim Xusen Guuleed oo arimo badan wax laga weydiin doono.

Shalay ayuu Wasiirka hor tagay Baarlamaanka Balse fadhigaas waa uu baaqday ka dib markii ay soo xaadiriwaayeen tirada loogu talagalay in uu ku furmo kalfadhiga Baarlamaanka Somalia.
Iminka dhammaan xildhibaanada ayaa lagu amray in ay kulankaan so xaadiraan si su'aalo loo weydiiyo Wasiirka Amniga oo ku saabsaan xaalada Ammaan ee guud ahaan deegaanada ay Dowladda gacanta ku heyso.
Arimaha ugu badan dhanka Su'aalaha ayaa waxa ay badan yihiin Odayaal lagu laayay duleedka Baydhaba oo sideed qofod ahaa iyo weerarkii Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Madaxtooyada ee dalka Somalia.
Dhanka kale Wasiirka ayaa waxaa wax laga weydiin doonaa qorshaha ugu degsan deegaanada dhawaan DF Somalia kala wareegtay ururka Al-Shabaab iyo qaabka ammaanka loo sugaayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada