Nicolas Kay oo ku baaqay in dulqaad iyo xasilooni laga muujiyo gobolka Sool

Nicolas Kay oo ku baaqay in dulqaad iyo xasilooni laga muujiyo gobolka Sool

daajis.com:-Ergayga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa dareen ka muujiyay shaqaaqadda ka dhexdhalatay ciidamo ka socda Soomaliland iyo kuwo ka socda Puntland, oo ku murunsan Gobolka Waqooyi ee Sool, gaar ahaan magaaladda Taleex.

“Waxaan ku baaqayaa in la muujiyy dheganaansho,xaaladda laguma xalin karo hab ciidan, dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseyso waa in ay muujiyaan dulqaad, kuna kicin ficil keeni karo dagaal,waana in ay sida ugu dhaqsaha badan u damiyaan buuqa jira ama u qaboojiyaan xaaladdda".

Ergeyga ayaa ku baaqay in dhinacyada is haya ay ku xalliyaan arrimahoodda si ay ku dheehantahay xasilooni,  nabad iyo isu tanaasulid,dadka Soomaaliyeed way soo dhibtoodeen in ku filan,waxeyna ogyihiin in wax wanaag ah aan lagu gaareeynin dagaal iyo amni la’aan.

xafiiska UNSOM iyo Bulshada Caalamka ayaa labaduba ku baaqaayo in la muujiyo dulqaad aad u weyn.

Waxaan diyaar u nahay inaan dhinacyada ka taageerno wixii dhexdhexaadin ah” ayuu yiri egreyga gaarka ah ee qaramada midoobay Nicholas Kay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada