Daawo Sawirada:- Imaaraadka Carabta oo qalab ciidan ugu deeqay Hay´adda Nabad Sugida Qaranka

Daawo Sawirada:- Imaaraadka Carabta oo qalab ciidan ugu deeqay Hay´adda Nabad Sugida Qaranka

daajis.com:-Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho ayaa guddoon siiyay Taliska ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya deeq kala duwan oo ciidamada lagu qalabeynayo, taasoo ka timid Dowladda Imaaraadka.

Deeqdaan ayaa waxaa ka gudoomay Safiirka Imaaraadka Maxamed Al-Cuthmaan, Taliyaha Hay´adda sirdoonka Jen. Bashiir Goobe, oo sheegay in deeqdani aysan aheyn tii ugu horeysay ee Imaaraadka Carabta ugu deeqdo Dowladda Federaalka.

“Deeqdani waxay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladda Imaaraadka ugu jirto inay qeyb weyn ka qadato nabad iyo xasilooni ku soo celinta dalka aan walaalaha nahay ee Soomaaliyeed, iyadoo taasna ay nagu hageyso xiriirka walaalnimo iyo taariikheed ee ay wadaagaan labada dowladood iyo labada shacab” sidaasi waxaa yiri Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Al-Cuthmaan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii danbe xoojineysay xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka iyadoo qeybo ka tirsan gobolada dalka ka wato dib u dhis lagu hor marinayo arrimaha bulshada iyo amaanka.imaaraadka-deeq-1imaaraadka-deeq-2imaaraadka-deeq-3imaaraadka-deeq-4imaaraadka-deeq-5imaaraadka-deeq-6imaaraadka-deeq-7
 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada