DAAWO SAWIRADA:- Kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea oo is mari waayay

DAAWO SAWIRADA:- Kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea oo is mari waayay

daajis.com:-Kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea ayaa isku mari waayay bareejo min hal gool ah, kadib marki caawa ay cayaareen kulan ka tirsanaa lugta hore ee wareegga Sami Finalka Champions League-ga.

Kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea ayaa isku mari waayay bareejo min hal gool ah, kadib marki caawa ay cayaareen kulan ka tirsanaa lugta hore ee wareegga Sami Finalka Champions League-ga.

Cayaarta ayaa ku bilaabatay dar dar, iyadoo labada kooxood ba ay weerar iyo weerar celis isugu jawaabayay.

Goolhayaha kooxda Chelsea Petr Cech ayaa garoonka laga saaray nuski saaca ee hore, kadib marki uu dhaawac kasoo gaaray garabka bidix oo uu dhulka ku dhufsaday,xilli uu kubadda ka difaacayay weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Diago Coasto.
Sidoo kale waxaa isna garoonka isaga baxay kabtanka kooxda Chelsea John Terry, kadib marki uu dhaawac muruqa ah soo gaaray.
Cayaarta bilaaw ilaa dhammaad waxaa ku sareysay kooxda martida loo ahaa ee Atletico Madrid, taasoo inta badan iska maamulaneysay kubadda.

1398195362643_lc_galleryImage_Athletico_Madrid_v_Chelse
Cayaarta dhex mareysa Kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea ayaa si toos ah u bilaabatay, iyadoo garoonka ay soo buux dhaafiyeen taageerayaal kor u dhaafaya ilaa 60 kun oo taageerayaal labada dhinac ah.
Goolhayahi bedelay Cech, kadib dhaawici soo gaaray:-
Chelsea ayaa daqiiqadihi bilaawga cayaarta waxaa ka dhaawacmay goolhayahooda Piter Cech, iyadoona garoonka laga saaray, maadama uu dhaawac kasoo gaaray gacanta.


 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada