LAYAAB:- Wiil 16-jir ah oo hoos galay taayarka diyaaraa muddo 5-saac hawada ku jirtay oo noqday Soomaali

LAYAAB:- Wiil 16-jir ah oo hoos galay taayarka diyaaraa muddo 5-saac hawada ku jirtay oo noqday Soomaali

daajis.com:-Iyadoo warbaahinta caalamka ay maalmihii u dambeeyay hadal hayeen wiil 16-sano jir ah oo si mucjiso leh ku hoos galay taayarka diyaarada, isla markaana muddo 5-saacadood hawada ku jirtay ayaa la ogaaday in wiilkaas uu Soomaali yahay.

Diyaaradan oo ka soo kacday Gobolka California ee dalka Mareykanka, kuna sii jeeday Gobolka Hawaii ayaa wiilkan yar si layaab ah leh ugu dhuuntay taayarka diyaarada, kadib markii uu ka soo booday gidaar ku yaalay garoonka.

Wiilkan ayaa la sheegay in uusan ogeyn halka diyaarada u socotay, balse uu u heystay in Soomaaliya u socotay, si uu hooyadiisa u soo arko.

Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in wiilkan uu bad-qabo, isla markaana uu doonayay inuu hooyadiis oo Soomaaliya joogta u tago

Arrinta ugu yaabka badneyd ayaa aheyd sida wiilkan uga soo gudbay ammaanka adag ee garoonka diyaaradaha California, iyadoo arrintan ay aheyd mid mucjiso laheyd.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada