Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka UAE

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka UAE

daajis.com:-Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjiraha cusub ee dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mohamed Al-Othman.

''Waxaan uga mahad-celinayaa dalka UAE inay safiir u soo dirsado Soomaaliya, waana ku faraxsanahay in UAE ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyso sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado shaqo ama tababarro''Ayuu yiri Xasan Shiikh

Xasan Sheekh ayaa u ballan-qaaday inay dowladdiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilka loo magacaabay.

Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey madaxweyne Xasan Sheekh sida uu uga aqbalay waraaqaha aqoonsiga safiirnamadiisa.

''Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta aad ayay ugu faraxsan tahay in maanta xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo UAE sii xoogeysto. Dowladda Imaaraadka ayaa diyaar u ah inay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka''Mohamed Al-Othman ayaa yiri.

Al-Othman ayaa sheegay in dalkiisa uu mashaariic horumarineed iyo howlo gargaar ka wado Soomaaliya, wuxuuna ballan-qaaday inay dowladdiisa ka caawin doonto Soomaaliya arrimaha horumarinta dalka iyo dib u dhiskiisa.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada