Muungaab:- "Tallaabo ayaan ka qaadeynaa Al-Shabaabka ku soo qulqulaya Muqdisho ee ka soo cararaya gobolada dalka"

Muungaab:- "Tallaabo ayaan ka qaadeynaa Al-Shabaabka ku soo qulqulaya Muqdisho ee ka soo cararaya gobolada dalka"

daajis.com:-Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa markii shaaca ka qaaday in magaalada Muqdisho ay ku soo qulqulayaan rag ka tirsan xarakada Al-Shabaab kuwaasi oo ka soo caraya gobolada dalka.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Muungaab inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada magaalada Muqdisho, isla markaana ay xog-ogaal u yihiin in rag ka tirsan Al-Shabaab siyaabo kala duwan ay ku soo galaan magaalada Muqdisho.

"Tallaabo cad ayaan ka qaadi doonaa Al-Shabaabka ku soo qulqulaya Muqdisho ee ka soo cararaya gobolada dalka" ayuu yiri Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in xasiloonida Muqdisho ay ka soo reyneyso marka loo eego sidii ay ahayd muddo sanado ah.

Guddoomiye Muungaab ayaa ugu baaqay shacabka degan Gobolka Banaadir inay la shaqeeyaan ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka, isagoona sheegay in maamulkiisu had iyo goor dadaal weyn ugu jiro sidii caasimada Muqdisho loo xasilin lahaa.

Dhinaca kale Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa hoosta ka xariiqay in qaar ka mid ah degmooyinka gobolka ay ka wadaan howlgallo sirdoon oo ay ku baadi goobayaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee iyagu ku cusub magaalada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada