Daawo Sawirada:- Nin Dhalinyaro ah oo xilka kala wareegay Gudoomiyihii ugu da’da weynaa Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Daawo Sawirada:- Nin Dhalinyaro ah oo xilka kala wareegay Gudoomiyihii ugu da’da weynaa Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir

daajis.com:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen.Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyhii Degmada Hodan ,iyadoona durba xilkaasi loo magacaabay Gudoomiye cusub.

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan ayaa ah Nin dhalinyaro ah oo wax kusoo baraty Dalka Sudan, waxaana lagu Magacaabaa Cabdi Qaadir Cali Kulane Ninkan dhalinyarada ah ayaa xilka kala wareegay Gudoomiyhii ugu da’da weynaa Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir Cabdi Maxamuud Warsame Dhabaney.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xilka ka qaaday 12-kamid ahaa Gudoomiyaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir , waxa uuna xilkaasi Muungaab u Magacaabay Dhalinyaro intooda badan kasoo baxay Jaamacdo kuyaala Dalka Dibadiisa gaar ahaan Dalka Sudan.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaana ka war dhoorayaa isbadalka ay la imaan doonaan dhalinyaradan wax kusoo baratay Dalka Dibadiisa ee gacanta loo galiyay maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir , waxaana Xusid mudan in Gudoomiyaashii hore aysan u badneen rag wax soo bartay balse wax badan qabtay intii ay joogeen.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada