Hordhac: Atletico Madrid v Chelsea – Simieone Iyo Mourinho Oo Semi-finalka Champions League Isku Arkaya.

Hordhac: Atletico Madrid v Chelsea – Simieone Iyo Mourinho Oo Semi-finalka Champions League Isku Arkaya.

daajis.com:-Samuel Eto’o ayaa seegi doona kulanka lugta hore ee semi-finalka Champions League ee ay caawa la ciyaarayaan Atletico Madrid isagoo qaba dhaawac jilibka ah.

Weeraryahanka ayaan u safrin Spain ka hor kulanka caawa ay Blues la leedahay kooxda hogaamineysa La Liga.
Eto’o ayaa dhaliyay gool kulankii ay guuldarada 2-1 ka soo gaartay Sunderland sabtidii, laakiin waxaa la bedelay ka dib daqiiqadii 74aad ee ciyaarta.
Si kastaba Eden Hazard ayaa tababar qaatay ka dib kubka uu dhaawac ka qabay, taasna waxa ay keentay inuu garoomada ku maqnaado muddo ku dhow labo isbuuc ah.
Xiddiga reer Belgium oo 23 sanno jir ah ayaa dhaawaca uu soo gaaray bilowgii kulankii wareega 8da Champions League ee ay la ciyaareen PSG 8dii April mana uusan ciyaarin wixii waqtigaas ka danbeeyay.
Goolhaye Petr Cech ayaa seegay kulankii ugu horeysay ee Jose Mourinho looga badiyay Stamford Bridge horyaalka Premier league isagoo xumad ay heysay, laakiin waxaa la filayaa inuu taam u noqdo kulanka Vicente Calderon Stadium ka dib tababar caadi ah uu qaatay.
Daafaca midig Branislav Ivanovic ayaa ganaax ku maqan halka ciyaaryahanada khadka dhexe Nemanja Matic iyo Mohamed Salah ay reeban yihiin inay ciyaaraan Champions League.
Atletico ayaa u fasaxan inay soo xulato goolhaye Thibaut Courtois, kaasoo amaah kaga soo maqan Chelsea.
Ka dib markii la isku aadiyay labada kooxood, kooxda reer Spain ayay aheyd inay bixiyaan lacag lagu sheegay 5 milyan ginni haddii ay ciyaarsiiyaan goolhayaha reer Belgium laakiin Uefa ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska amaahda uu yahay mid aan waafaqsaneyn sharuucda Uefa.

Iyadoo Eto’o uu maqan yahay Mourinho ayaa soo xulan kara weeraryahankii hore ee Atletico Madrid Fernando Torres kaasoo kooxdiisa uu ku soo barbaaray ka tagay una dhaqaaqay Liverpool 2007dii.
Line-upka Macquulka Ah:
Atletico Madrid: Courtois; Juanfran, Godin, Miranda, Luis; Gabi, Koke, Turan, Tiago; Garcia, Costa.
Chelsea: Cech; Azpilicueta, Terry, Cahill, Cole; Luiz, Ramires; Schurrle, Oscar, Willian; Torres.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada