War Deg Deg Ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhaw lagu dilay Magaalada Muqdisho

War Deg Deg Ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhaw lagu dilay Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhaw kooxo hubeesan ay dileen Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, xili uu marayay Xaafada Dabakaanyo Madow ee Degmada Dharkeenley.

Xildhibaanka la dilay oo lagu Magacaabo Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursale, ayaa la sheegay in kooxo hubeesan ay ku dileen meel aan gurigiisa ka fogeen oo kutaala Xaafada Dabakaanyo Madow ee Degmada Dharkeenley.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaanka Xiliga la dilayay uu kasoo baxay gurigiisa uuna kusii jeeday Xarunta Golaha Shacabka , Balse Kooxo hubeesan ay rasaas badan huwiyeen sidaana ku dhintay.

Waa xildhibaankii labaad oo Magaalada Muqdisho lagu dilo maalintii labaad oo xariir ah , waxaana shalay qarax gaarigiisa loogu soo xiray lagu dilay Xildhibaan kale oo katirsanaa Baarlamanaka Soomaaliya. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada