War Deg Deg Ah Madaxweynaha Dalka Burudi oo goordhaw kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

War Deg Deg Ah Madaxweynaha Dalka Burudi oo goordhaw kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

daajis.com:- Waxaa goordhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay wafdi balaaran uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Burundi Mr. Pierre NKurunziza .


Garoonka Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyay Wafdiga Burundi kasocda Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Burundi.

Wararka aan ka heleyno Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalaada Muqdisho ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay amaanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde uu hada kusugan yahay Madaxweynaha Dalka Burundi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasana Sheekh Maxamuud ayaala filayaa in kulamo gaar ah la yeesho Madaxweynaha Dalka Burundi iyo xubnaha safarkiisa ku wehliya, lamana oga inta uu qaadan doono safarka uu maanta Muqdisho ku yimid Madaxweyne Mr. Pierre NKurunziza.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada