War Deg Deg Ah:- Kooxda Manchester United Oo Ceyrisay Tababare David Moyes.

War Deg Deg Ah:- Kooxda Manchester United Oo Ceyrisay Tababare David Moyes.

daajis.com:-Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay ceyriyeen tababare David Moyes kaasoo si rasmi ah shaqada Manchester United uga tagay ka dib markii uu la wareegay bilowgii xilli ciyaareedkan.

Warbixin ay goordhaweyd soo saartay Man United ayaa lagu sheegay in David Moyes laga qaaday xilkii uu ka hayay kooxda heysata koobka Premier League.
“Manchester United waxa ay ku dhawaaqeysaa in David Moyes uu ka tagay kooxda” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay red Devils.
“Kooxda waxa ay jeclaan laheyd uga uga mahadceliso shaqadiisa adkeyd iyo daacadnimadii uu wax ku waday.”
Ceyrinta David Moyes ayaa timid ka dib markii guuldarro 2-0 ay ka soo gaartay kooxdiisii hore ee Everton. Kulankaas ayaana xaqiijisay in United ay seegeyso Champions League markii ugu horeysay muddo 18 sanadood ah.
Manchester United ayaana ceyrisay David Moyes ka dib 295 maalmood uu kooxda macalin u ahaa iyo 51 kulan oo uu tababare u noqday, isagoo 51kaas kulan aan marnaba ku ciyaarin line-up isku mid ah labo kulan oo isku xigta.

United oo xilli ciyaareedkii hore qaaday horyaalka ayaa xilli ciyaareedkan hoos u dhac weyn uu soo wajahay markii uu shaqadaas ka fariistay Sir Alex Ferguson oo Moyes u doortay inuu bedelo, laakiin waxa ay haatan horyaalka kaga jiraan 7aad iyagoo leh 57 dhibcood.
Waxaana United ku dhameysan doontaa xilli ciyaareedka dhibacihii ugu hooseeyay abid ay ku dhameysato horyaalka intii loo bixiyay Premier League.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada