Ryan Giggs:- Oo Loo Magacaabay Tababaraha Ku Meel Gaarka Ah Ee Man United.

Ryan Giggs:- Oo Loo Magacaabay Tababaraha Ku Meel Gaarka Ah Ee Man United.

daajis.com:-Manchester United ayaa shaaca ka qaaday in Ryan Giggs uu sii ahaan doono tababaraha ku meel gaar ah ee Manchester United ilaa iyo inta laga magacaabayo bedelka David Moyes.

Tababaraha reer Scotland ayaa la eryay saaka ka dib dan bilood uu ka qaatay lix sanno qandaraas ah uu saxiixay, isagoo goob joog u noqday xilli ciyaareedkii ugu xumaa ee waayaha Premier League.
Waxaana haatan la xaqiijiyay in Giggs oo u saftay United rikoor 962 kulan ah islamarkaana la filayay inuu ciyaaraha ka fariisto xagaagan, uu seddexda kulan ee u hartay macalin u ahaan doono Red Devils.
Warbixin ay kooxda soo saartay ayaa lagu yiri: “Ka dib bixitaankii tababare David Moyes, Manchester United waxa ay ku dhawaaqeysaa in Ryan Giggs oo ah ciyaaryahanka ugu koobabka badan inuu sii ahaan doono tababaraha kooxda ilaa iyo tababare joogta ah laga magacaabayo.
“Kooxda wax kale oo hadal ah kama dhaheyso arintaan ilaa iyo laga soo gabagabeynayo.”
Shaqada joogtada ah ee Manchester United waxaa u sharaxan Louis Van Gaal oo haatan macalin u ah xulka Holland, tababaraha Dortmund Jurgen Klopp iyo tababaraha Atletico Madrid Diego Simieone.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada