Jawaari :- Marnaba ma hakan doonaan wixii aan u dhaaranay, waxaa ahay naftood hurayaal"

Jawaari :- Marnaba ma hakan doonaan wixii aan u dhaaranay, waxaa ahay naftood hurayaal"

daajis.com:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal oo ahaa xildhibaankii labaad oo lagu dilo magaalada Muqdisho maalinkii labaad.

Al-Shabaab ayaa sheegtay dilalka loo geystay labada xildhibaan ee shalay iyo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana dilalkan ay muujinayaan sida uu u liito ammaanka Xildhibaanada oo aan badankood heysan ilaalo.

Gudoomiye Jawaari oo ka hadlayay kulankii Baarlamaanka oo saaka ku yeelan lahaa magaalada Muqdisho, balse uu dib u dhacay ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aanan howlaha Baarlamaanka u haayo shacabka hakin doonin dilalkan.

"Waxaa jeclahay inaan u xaqiijiyo Xildhibaaada shacabka marna ma hakin doonaan howlaha aan u dhaaranay, maalintii aan u dhaaranay ayaa waxaa noqoay naftood hurayaal, Xildhibaan kasta wuxuu diyaar u yahay inuu guto waajibkiida, mana cabsi gelineyso falalkan"ayuu yiri Prof. Jawaari.

Gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Baarlamaanka ayaa kulan ku leh Xarunta Golaha shacabka, iyagoo ka arinsanaya arrimaha ammaanka xildhibaanada iyo dilalkii u dambeeyay ee labadii maalmood ee u dambeysay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka loogu geystay magaalada Muqdisho

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada