Man City:- Ayaa Rajeyneyso Iney ku guuleysato Horyaalka Kadib Markii Ay Garaacday West Brom.

Man City:- Ayaa Rajeyneyso Iney ku guuleysato Horyaalka Kadib Markii Ay Garaacday West Brom.

daajis.com:-Man City ayaa guul ay uqalantay ka gaartay caawa kooxda West Brom oo marti ugu ahayd Etihad Stadium kadib markii ay 3-1 ugu awood sheegatay, City ayaan wali ka harin tartanka loogu jiro hanashada horyaalka ingiriiska xili ciyaareed kan.
Man City oo ay ka go,need inay guulaysato ayaa durbaba heshay goolka koowaad daqiiqadii 3aad ee bilowga ciyaarta waxaana u dhaliyay daafaca ree Argentina Pablo Zabaleta kadib markii uu madaxeeyay kubadd uu gool hayuhu ka soo tufay Aguero.
6 daqiiqo Amalfitano ayaa u dhaliyay West Brom goolka bar baraha lakiin garsooraha ayaa tilmaamay inuu ahaa Offside, 4 daqiiqo kadib Aguero ayaa 2-0 ka dhigay ciyaarta kadib markii uu shuud xoogan daba mariyay gool haye Foster.
16 daqiiqo Graham Dorrans ayaa gool u soo celiay West Brom kadib markii uu ka tagay Clichy ka hor inta uusan kubadda dhex dhigin shabaqa Hart wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-1.

36 daqiiqo Demichelis ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib markii uu shuuday kubadd uu ka helay Nasri isagoona ciyaarta ka dhigay 3-1, qaybtii hore oo aheed tii ugu fiicneed ayaa lagu kala nastay 3-1 oo ay ku hogaaminayso Man City.
Qaybtii danbe Man City ayaa hal keeda ka sii waday weerar ka ay ku qaadaysay goolka West Brom, Nasri ayaau soo dhawaaday inuu shabaqa ku hubsado laba kubad oo uu ku shuuday goolka lakiin dhamaan kubadahaas waxay ku dheceen daafacyada West Brom.
West Brom ayaa isku dayday inay gool uun dhaliso daqiiqadihii u danbeeyay lakiin uma suuro galin, ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Man City oo gaartay 74 dhibic waxayna hal dhibic u jiraan Chelsea oo ku jirta booska labaad balse City waxaa baaqi u ah hal kulan.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada