Daawo Sawirada :- Shil Naxtin leh oo dad badan ku dhinteen oo maanta ka dhacay Duleedka Muqdisho

Daawo Sawirada :- Shil Naxtin leh oo dad badan ku dhinteen oo maanta ka dhacay Duleedka Muqdisho

daajis.com:-Waxaa Manata Duleedka Magaalada Muqdisho ka dhacay Shil baabuur oo ay dad badan ku dhinteen , kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo marayay laamiga dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Shilka ayaa ka dhacay Halka loo yaqaan Jaamacada Shabelle ee kutaala inta u dhaxeysa Ex-Control Afgooye iyo Garasbaaley , waxaana lasoo sheegayaa in ay isku dhaceen gaari nuuca Dynada loo yaqaan iyo gaari nuuca xamuulka qaada ee N3.

in ka badan 10-qof qof oo saarnaa gaariga Dynada ayaa ku dhintay shilkaasi kuwaa oo la sheegay in qaarkood laga soo saaray gaariga weyn hoostiisa . 


Wararka aan ka heleyno halka uu shilku ka dhacay ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo ka dhashay shilkaasi oon tiradooda la xaqiijin , xaalada goobta uu shilku ka dhacay ayaa aheed mid uu kajiroay jawi naxtin leh, gaariga dadka badan ku dhinteen ayaa la sheegay in uu kasoo laabtay qabuuro kuyaala Deegaanka KM-13- ay qof kusoo aaseen dadka geeriyooday.












FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada