Steven Gerrard: Waa Inaanu Norwich U La Dhaqanaa Sidii AC Milan 2005tii Oo Kale.

Steven Gerrard: Waa Inaanu Norwich U La Dhaqanaa Sidii AC Milan 2005tii Oo Kale.

daajis.com:-Kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa kooxdiisa ku booriyay inay Norwich City u la ciyaaraan sidii kooxda adduunka ugu wanaagsan oo kale marka ay Axada kulmaan.

Liverpool ayaa horyaalka ingiriiska ku hogaaminaysa 77 dhibcood iyadoo 2 dhibcood ka saraysa dhigeeda Chelsea halka ay Man City-na ka sarayso 7 dhibcood oo saafiya inkasta oo ay City haysato laba ciyaarood oo baaqiya.
Inkasta oo ay Norwich ku jirto kaalmaha hoose haddana hogaamiyaha Liverpool ayaa aaminsan inay tahay ciyaar aad u adag wuxuuna tusaale u soo qaatay ciyaartii ay finalka iskugu soo baxeen kooxda AC Milan sanadkii 2005 Markaas oo ay Liverpool ku guulaysatay horyaalka yurub.
Gerrard oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Ciyaarkastaa way weyn tahay waayo waxaanu ku sii dhawaanaynaa dhamaadkii xili ciyaareedka. Ciyaartii Man City waxay ahayd mid wayn laakiin hadda Norwich ayaa ah Man City waana ciyaar aad u wayn”
Liverpool ayaa badisay 10 ciyaarod oo isku xiga, waxayna haystaan record ah in aan laga badin sanadkan 2014 waxayna doonayaan inay soo gabagabeeyaan abaartii ka haysatay horyaal la’aanta kaas oo ay ugu danbaysay 1990kii, Waxaase hubaala in haddii Liverpool guulaysato 4 kulan ee u hadhay inay ku guulaysan doonto horyaalka Ingiriiska sanadkan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada