Demba Ba Oo Ka Caawiyay Chelsea Inay Guul Muhim Ah Ka Gaarto Swansea City.

Demba Ba Oo Ka Caawiyay Chelsea Inay Guul Muhim Ah Ka Gaarto Swansea City.

daajis.com:-Chelsea ayaa weli ku dabajirta kooxda hogaanka u heysa horyaalka Premier League ee Liverpool ka dib markii ay 1-0 uga talaabsadeen kooxda Swansea City oo marti loo ahaa iyadoo guushaas ay uga mahadcelinayaan Demba Ba.

Xiddigan reer Senegal ayaa lagu soo bilaabay kulankaan iyadoo ay caawinayeen Schurrle, Willian iyo Mohamed Salah.
Swansea City ayaana dhabarjab xoog leh la kulantay markii daqiiqadii 16aad jaale labaad laga siiyay Chico Flores kaasoo garoonka laga saaray ka dib markii garsooraha afaraad uu kula taliyay garsooraha dhexda inuu jaale labaad siiyo ka dib qalad kale uu galay Chico.
Blues oo kubad weerar ah ciyaareysay balse aan sameynin wax saameyn weyn ah ayaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
Laakiin qeybtii labaad xiddiga reer Senegal ayaa daqiiqadii 68aad hogaanka u dhiibay Chelsea markii kubad uu u soo qaaday Mohamed Salah uu si fiican u koontaroolay islamarkaana shabaqa la beegtay waxa ay ku dhacday Willaims ka hor inta aysan ka hoos bixin goolhaye Vorm.

Goolkaas uu dhaliyay Demba Ba ayaana ugu filnaa Chelsea inay seddex dhibcood oo muhim ah ku soo qaadato Wales.
Waxaana ay ka dhigan tahay in Chelsea ay weli labo dhibcood u jirto kooxda hogaanka heysa ee Liverpool kuwaasoo dhamaadka bishaan ay ku kulmayaan Anfield.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada