Dowlada:- Turkiga oo markii ugu horeysay qiratay in labo ka tirsan shaqaaalaheeda lugu dhaawacay muqdisho

Dowlada:- Turkiga oo markii ugu horeysay qiratay in labo ka tirsan shaqaaalaheeda lugu dhaawacay muqdisho

daajis.com:-Dowlada Turkiga oo qiratay in labo ka mid ah shaqaalaheeda ay ku dhaawacmeen Muqdisho.


Dowlada Turkiga ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadashay weerar hoobiyaal ah oo lagu qaaday shaqaalaheeda Turkiyiinta ah ee ku sugan Muqdisho.
Xukuumada Turkiga ayaa waxa ay cambaareysay weerarka lagu qaaday shaqaalaha dhisayay safaarada cusub ee ay ka dhisanayso Muqdisho.


Weerarkan oo dhacay xilli habeenimo horaantii bishan ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah shaqaalaha Turkiga oo ku sugnaa dabaqa sare ee safaarada cusub.


Labada shaqaale ee Turkishka ah ee weerarkaasi lagu dhaawacay ayaa waxa lagu kala magacaaba Recep Keskin iyo Muhammed Yakup SaraƧ kuwaasi oo maalintii Jimcaha dhaawacooda loo qaaday Turkiga.


Warka laga soo saaray wasaarada arimaha dibada Turkiga ayaa loogu baaqay dowlada Soomaaliya in ay gacanta kusoo dhigto cidii ka dambeesay weerarkaasi lagu qaaday shaqaale Turkish ah oo wax ka dhisaayay safaarada Turkiga ee magalada Muqdisho.


Wasaarada arimaha dibada dalka Turkiga ayaa balan qaaday in ay dowlada ay sii wadi doonto sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliya si nabad iyo horumar ay looga hirgalin lahaa dalka.


Dowlada Turkiga ayaa waxa ay mashaariic badan ka fulisay magaalada Muqdisho iyadoo ay ku sugan yihiin shaqaale faro badan oo Turkiyiin ah kuwaasoo ka qeybqaata dhismaha xarumaha dowlada ee Muqdisho.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 15:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada