Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ka hortageyso in la dhageysto Taleefanada madaxda dowladda

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ka hortageyso in la dhageysto Taleefanada madaxda dowladda

daajis.com:-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay ka hor-tegi doonto in la dhageysto taleefoonada madaxda dowladda, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la dhageysan jiray taleefanada Madaxdii hore ee Soomaaliya.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Ibraahim Xaaji ayaa sheegay inay arrintan ka qaadan doonaan tallaabo adag, isla markaana aanay dhici doonin in la dhageysto taleefanada madaxda dowladda.

"Arrintan howsheeda ayaa ku jirnaa, waana ka hortegi doonaa in taleefanada la dhageysto, mana ah wax wanaagsan runtii, tallaabo adag ayaa ka qaadan doonaa"ayuu yiri Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Wasiirka oo ka qeyb qaadanayay barnaamij dood ah oo maalin walba oo jimco ka baxa raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho ayaa su'aalo lagu weydiiyay, isagoo soo hadal qaaday adeega internetka Fibre Optic inuu noqon doono mid dalka oo dhan laga hirgelin doono.arayo qorshaha lagu hormarinayo adeega isgaarsiinta dalka, waxaana uu cadeeyay inay kala hadlaan dhamaan shirkadaha isgaarsiinta sidii loo horumarin lahaa adeega isgaarsiinta.

Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Somalia, Maxamed Ibrahim Xaaji ayaa sheegay maanta in xukuumaddu ay ka hor-tegi doonto n la dhageysto taleefoonnada madaxda dowladda Somalia.

Ninka baxsadka ka ah Hey'adda CIA-da Mareykaka ayaa dhowaan waxaa uu dusisay warbixino sir ahaa oo ku saabsanaa in hey'adaha sirdoonka Mareykanka ay dhageystaan taleefanada madaxda caalamka, taasoo keentay khilaaf xoogan oo soo kala dhex gala Mareykanka iyo dalalka reer Yurub.

Warbixinadaas ayaa waxaa ku jirtay in la dhageysan jiray allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku jiray liiska madaxda caalamka ee taleefanadooda la dhageystay.

Soomaaliya oo ay ka bur burtay dhamaan adeegyadii aas aasiga ahaa ee kaabayaasha dhaqaalaha ayaa waxaa tan iyo markii dowladdii dhexe ay meesha ka baxday waxaa dalka ka hirgalay shirkado isgaarsiin oo haqab tiray baahida dadweynaha, iyadoo xilligan dalka ka jiro ilaa afar shirkadood oo Isgaarsiin ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 01:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada