Madaxwaynaha Nigeria oo sheegay in khatarta argagixisada ay la wadagaan Soomaaliya

Madaxwaynaha Nigeria oo sheegay in khatarta argagixisada ay la wadagaan Soomaaliya

daajis.com:-Ka dib shir ay isugu yimaadeen laamaha amaanka dalka Nigeria, islamarkaan uu ka qeyb galaya madaxweynaha dalkaasi Goodluck Jonathan, ayaa waxay kaga arinsadeen sidii looga hortagi lahaa weerarada sii baahaya ay geysanayaan Kooxda Boko Haram ee ka dagaalama Nigeria. 

Madaxwaynaha Wadankaasi ayaa tilmaamay in khatarta wadankooda kajirta ay la wadagaan dalka soomaliya.

''Qatarta iyo Taatikooyinka ay degayaan Kooxaha argagixisada ma ahan kaliya wax ku kooban Nigeria,laakin waxaa jira wadamo nala mid ah sida Soomaaliya,Kenya iyo Afgaanistan,waxaana ka dhaca waxa hada dalkayaga ka dhaca''Ayuu yiri madaxweynaha Nigeria GoodLuch Jonathan.

Madaxweynaha Nigeria ayaa ugu baaqay wadamada kala midka ah Dhacdooyinkaan argagixisada sida uu hadalka u dhigay inay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa sii socoshada Falalkaan amaanka lidiga ku ah.

Ujeedka Kulanka ayaa ahaa sidii dadaal loogu bixin lahaa badbaadinta Gabdho Habeenkii isniinta ahayd afduub loo geystay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada