Dagaal qasaare geystay oo ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex maray degmada Balcad

Dagaal qasaare geystay oo ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex maray degmada Balcad

daajis.com:-Wararka ka imaanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda uu ku dhex maray degmadaas, iyadoo la soo sheegayo in dagaalka uu geystay qasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo boolis ah oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeda Jowhar ay isku dhaceen ciidamo milateri ah oo ku sugnaa agagaarka Buundada Balcad, halkaasoo uu ka dhacay iska hor imaad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadii milateriga ee ku sugnaa degmada Balcad ay taabacsanaayeen Gudoomiyaha degmada Balcad Cusmaan Xaadoole oo maalmahan warar soo baxayay ay sheegayeen in xilka laga qaaday.

Inkastoo ay adag tahay in la helo warar rasmi ah oo ku aadan qasaaraha dagaalka, hadana waxa ay wararku sheegayaan in saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ay ku dhaawacmeen dagaalka, waxaana ku jira Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe oo galbinayay Ciidamada booliska ku wajahnaa Jowhar.

Wararka ayaa intaa ku daraya in mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamada booliska la gubay, mid kalena ay gacanta ku dhigeen ciidamadii ku sugnaa degmada Balcad, iyadoo ay kala firxadeen ciidankii booliska ee dhexda loo galay.

Afhayeen u hadlay Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu magacaabo Daa'uud Xaaji Ciiro ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha degmada Balcad inuu is hor-taagay ciidankaas booliska ku soo wajahnaa Jowhar, isla markaana uu wadada u galay, qaarna ka dilay, qaarna dhaawacay, kana qabsaday gaadiid.

"Dhimasho iyo dhaawac waa jiraan, waxaa maqalnay ilaa iyo hada lix askari in dhaawacyo soo gaareen waxaa ku jira taliyaha qeybta booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe, gawaari ay wateen waa lala wareegay, qasaaraha intaas waa ka badan karaa, waayo askar badan ayaa howdka ku kala cararay markii dagaalka qabsaday"ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaa horay u jiray khilaaf u dhaxeeyay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow iyo Gudoomiyaha degmada Balcad Cusmaan Xaadoole, iyadoo khilaafkan oo muddo soo jiitamayay uu sababay inay kala go'aan Jowhar iyo Balcad, isla markaana Mas'uuliyiinta labada dhinac aanay isu kala gudbin.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow iyo Mas'uuliyiinta kale ee Gobolka ayaa marka ay soo aadayaan Muqdisho ka soo wareegtay degmada Balcad oo aanay soo marin, taasoo sabab u ah khilaafka isaga iyo Gudoomiyaha Balcad u dhaxeeyay.

Dagaalkan ka dhacay degmada Balcad ayaa sii muujinaya heerka khilaafka u dhaxeeya Gobolka iyo degmada, oo ahaa mid maara loo la'aa, marar badan lagu guul dareystay in la xaliyo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 01:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada