Kabtanka doontii Koonfurta Kuuriya oo la xirayo+Sawirro

Kabtanka doontii Koonfurta Kuuriya oo la xirayo+Sawirro

daajis.com:-Dacwad soo oogayaasha dalka Kuuriya Koofureed ayaa maxkamad ka codsaday in warqad lagu soo xirayo u jarto katankii la socday doontii degtay maalintii arbacada, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.
Kol hore ayey ahayd markii la shaaciyay in sarkaal da'yar ah uu saarnaa meesha doonta laga kexeeyo xilligii ay qalibantay, balse uusan ahayn qofkii saarnaa kabtanka.

waxaa socdo dadaal lagu raadinayo 268 qof oo illaa iyo hadda la la'yahay, waxaana laga baadi goobayaa biyaha hoostooda iyo Jasiiradaha ku dhow.
illaa iyo hadda waxaa la ogyahay in 28 qof ay ku dhinteen masiibada, 179 kale ayaa la soo badbaadiyay.
Booliska dalka Koofurta Kuuriya ayaa saaka sheegay in maamula ku xigeenka mid kamid ah iskuulada dalkaasi inuu ka badbaaday doontii gadoontay.
Ninkan ayaa la helay asigoo saran geed ku yaallo badda, wuxuuna geedkaasi koray markii uu markab ka quusay.
Wararka ayaa sheegayo inay jiraan hormaro laga sameynayo baadi-goobka maalintii sadaxaad socdo ee lagu raadinayo dadkii saarnaa doontii laga lahaa Koofurta Kuuriya.
Warbaahinta dalka Koofurta Kuuriya ayaa baahiyay in booliska ay sheegeen in mayd laga helay jasiiradda GIN DO oo ka tirsan deegaan lagu magacaabo Jindo, halkaas oo ah meesha ay isugu tageen ehelada rakaabkii saarnaa doonta.
Sida ay sheegtay mid ka mid ah wakaaladaha wararka, maamula ku xigeenka badda laga soo saaray inuu naftiisa ku eedeeyay sida loo badbaadiyay.
Boqolaal ardey ah oo dhiganayay dugsiyada sare ayaa weli la la’yahay. Howlgalka baaritaan kana waxaa hortaagan dabeylo xoogan iyo mowjadaha badda.
Ciidamada ilaalada Koofurta Kuuriya ayaa sheegay in laba koox oo badbaadada ka shaqeeyo inay ku guuleysteen inay galaan doonta biyaha ay ladegeen, balse aysan jirin qof lasoo saaray.
Kooxaha ayaa gudaha la galay, qalabka lagu neefsado marka biyaha hoostooda lagu jiro, si ay ugu xiraan haddii ay arkaan qof weli nool.

Buufino lagu badbaadinayo dadkii ku daatay biyaha badda.
doonta oo biyaha sii galeyso, laba saac kadib markii ay quustay
Kooxaha badbaadada oo raadinayo qof un oo ka badbaaday masiibada doonta

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada