Ukraine :- Xiisado Weli ka Taagan Heshiiska Kadib..

Ukraine :- Xiisado Weli ka Taagan Heshiiska Kadib..

daajis.com:-Maliishiyaadka taageersan Ruushka ayaa sii wada haysashada dhismeyaasha dowladda ee bariga Ukraine, kadib markii heshiis la doonayo in lagu yareeyo xiisadaha jira ay wada gaareen Kiev iyo Moscow.
 
Mid ka ah hoggaamiyeyaasha maliishiyada, Denis Pushilin ayaa sheegay in ragga uu hoggaamiyo aaney waxba ka khuseyn heshiiskii la gaarey maalintii Khamiista, isla markaana ay hawlgallada ay wadaan joojin doonaan oo qura marka ay is casisho dowladda Ukraine.
 
Heshiiska la gaarey ayaa dabajooga wadahadalo dhexmarey Ukraine, Russia, Mareykanka iyo Midowga Yurub. Waxaa uu heshiiska ku baaqayaa in dhamaan dhismeyaasha dowladda la baneeyo, isla markaana hubka laga dhigo kooxaha maliishiyaadka ah.
 
Waxaa kale oo heshiiska ku jira qodobo kale oo muhiim ah oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro xasaradda taagan, iyadoo dalalka reer Galbeedka intooda badan ay shaki ka muujinayaan in Ruushka uu fulin doono iyo in kale heshiiska la gaarey.
 
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in xukuumadda Washington ay sii wadi doonto diyaarinta cunaqabateyn ka dhan ah Ruushka haddii ay dhacdo Moscow aaney qaadin talaabooyin ku aaddan deminta xaaladda cakiran ee jirta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada