Faah faahin dheeri ah khasarihi ka dhashay qaraxii ka dhacay xaafada Islii ee Nairobi

Faah faahin dheeri ah khasarihi ka dhashay qaraxii ka dhacay xaafada Islii ee Nairobi

daajis.com:-Wararka laga helaayo Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxa ay sheegayaan in uu isa soo taraayo khasaaraha ka dhashay qaraxyo is xig xigay oo xalay halkaas ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay illaa iyo lix qofood ayaa ku nafwaayay qaraxyadaas iyadoo in ka badan 25 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyadaas kuwaas oo hadda la daaweenaayo.
Qaraxyadaan oo tiadooda lagu sheegay laba qarax ayaa waxa ay ka dhaceen maqaayad ku taalo wadada 11-aad ee Islii waxaana la cadeeyay in ay qaraxyadaas ay ahaayeen kuwii ugu cuslaa ee halkaas ka dhacay.
Taliyaha ciidanka Booliiska Kenya Benson Kibue oo goobta so gaaray ayaa sheegay in illaa iyo lix qofood ay qaraxaas ku dhinteen halka in ka badan 20-qofood ay ku dhaawacmeen.
Illaa iyo hadda lama oga cidda ka danbeysay qaraxyadaas balse waxa ay ku soo beegmayaa xilli todobaadkan Ganacsatada Islii uu la kulmay M/weynaha dalka Kenya iyaga oo ka wadahadlayay dhanka Ammaanka.
Maalin ka hor ayay eheyd ka dib markii qarax la diyaarinaayay uu ka dhacay xarunta dugis ah oo Islii ku taalo isla markaana uu ku dhintay ruuxii diyaarinaayay.
Cabsi xoogan ayaa saakay Islii ka taagan waxaana laga cabsi qabaan in maalintii labaad ay ku soo laabtaan ciidanka Ammaanka dalka Kenya oo shalay halkaas howlgalo ka sameeyay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada