Heshiis laga gaaray arrinta Ukraine

Heshiis laga gaaray arrinta Ukraine

daajis.com:-Wadahadal ay ka qaybgaleen dhinacyo kala geddisan oo ka dhacay Geneva ayaa waxaa ka soo baxay heshiis lagu dejinaya xiisadda ka aloosan dalka Ukraine.
Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Ruushka, Ukraine, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in dhammaan kooxaha hubaysan ee sharci darrada ah la kala diro, hubkana laga dhigo isla markaana ay ka baxaan dhismooyinkii ay qabsadeen.

Ruushka ayaa ku gacan sayrtay eedeymo ah in uu soo abaabulay kooxo fallaaga ah oo qabsaday dhismooyin ay dowladda leedahay oo ku yaala bariga iyo koonfurta Ukraine.Sida uu dhigaya heshiiskani, inta badan kooxaha u hoggaansama baaqani ayaa cafis loo fidin doonaa.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in isaga iyo hoggaamiyayaasha kale ee reer Yurub ay soo bandhigi doonaan qorshe cunaqabatayn dheeraad ah lagu saarayo dalka Ruushka haddii Moscow ay heshiiskaasi meel marin weydo.
Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine Andriy Deshchytsia ayaa sheegay in dalkiisa uu taageeraya heshiiskaasi inkastoo aragti ahaan uu aad uga duwanaa Ruushka, gaar ahaanna arrimaha muhiimka ah sida waxa sababay arrinta haatan ka taagan dalka Ukraine.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 17:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada