Kooxo hubeysan oo bartamaha Kismaayo ku toogtay Arday iskuul ku socotay

Kooxo hubeysan oo bartamaha Kismaayo ku toogtay Arday iskuul ku socotay

daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya magaalo Xeebeedka Kismaayo, ayaa sheegaya in saakay kooxo hubeysan ay xaafada shaqaalaha ku toogteen 2 wiil oo Arday ahaa, kuwaasoo xiliga la tooganayay usii socday goobahooda waxbarashada. 

Ciidamada ammaanka oo soo gaaray halka dilka ka dhacay ayaa ku guuleysan waayay inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilka ka dambeeyay oo baxsaday.

Lama oga sababta loo beegsaday labadaan wiil ee dhalinyarada ah, balse maalmihii danbe waxaa magaalada Kismaayoka dhacayay dilal aad u fool xun, kuwaasoo inta badan lagu eedeeyo ineey geystaan maamulka Jubba.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka magaalada Kismaayo oo ku aadan dilalkan saakay ka dhacay magaalada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada