Madaxweyne Xasan "Khilaafka Taleex waa in wadahadal, dib u heshiisiin iyo nabadeyn lagu dhameeyaa.”

Madaxweyne Xasan "Khilaafka Taleex waa in wadahadal, dib u heshiisiin iyo nabadeyn lagu dhameeyaa.”

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka‪ #‎Somalia‬ Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku baaqay in si nabad ah xalka lagu raadiyo oo uu yiri “Wadahadal, dib u heshiisiin iyo nabadeyn waa in lagu dhameeyaa khilaafka Taleex. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey diyaar u tahay inay dhammaan dhinacyada ay quseyso kala shaqeeyso xal u helidda khilaafka oo aan shacabka u naxno una horseedno dib u heshiisiin waarta oo soo afjarta dhammaan khilaafaadka soo jireenka ah ee degaankaas.
Madaxweynaha oo ka walaacsan xaaladda ka soo cusboonaatay magaalada Taleex ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka soo daaleen khilaaf iyo dagaallo oo loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay khilaafkooda iyo kala aragti duwanaanshahooda in lagu xaliyo si nabad ah. Soomaalidu waxey leedahay dhaqan soo jireen ah oo geedka hoostiisa lagu dhameyn jiray waxii khilaaf ah ee jira.
Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad bey noo dhibeysaa inaan arango dhiig hor leh oo ku daata si aan micno laheyn. Xaaladda waa in la dejiyaa oo ugu yaraan lagu soo celiyaa sidii ay aheyd maalmo ka hor inta aysan collaadaha cusub bilaaban si wadahalka iyo nabadeynta fursad loo siiyo. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in in Dadka deegaanka ay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan si loo gaaro marxalad aan caalamka kula tartami karno, isla markaana aan u istaagi karno sharafka iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed. Taasna waxey ku imaan kartaa oo kaliya annagoo la nimaada biseyl siyaasadeed, isu dulqaadasho iyo is tixgelin ku wajahan kala danbeyn iyo ilaalinta Amniga muwaaddinka”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada