Ukraine: Howgal ka dhan fallaagada

Ukraine: Howgal ka dhan fallaagada

daajis.com:- Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Ukraine, Olexander Tuchynov, ayaa sheegay in uu bilowday howlgal argagixiso la dirir ah, kaasoo loogaga soo horjeedo maleeshiyaadka gooni u guusadka ah ee bariga dalkaasi ku sugan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in saldhiga ciidamada cirka ee magaalada Kramatorsk laga xoreeyay wax uu ugu yeeray argagixiso Waxaa la rumeysan yahay in maleeshiyaad gooni u goosad ah oo taabacsan Ruushka, ay weli gudaha ugu jiraan xarunta.Ku dhawaad toban xarumood oo ay dowladda ku leedahay magaalooyinka ku yaalla bariga Ukraine ayaa weli ku jira gacanta kooxaha gooni u goosadka ah.

Waxaa saldhiga kusoo degay labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Ukriane, halka taageerayaal badan oo ay leeyihiin maleeshiyaadka gooni u goosadka ahna ay xarunta kusoo xoomeen, iyaga oo ku qeylinaya in ciidamada Ukraine ay halkaasi ka baxaan.

Janaraal ka tirsan ciidamada Ukraine ee xarunta soo gaaray ayaa dadka kusoo xoomay u sheegay in ay goobta ka saarayaan argagixisada.
Taasi ayaa dhalisay in ay dadkii meesha joogay ku oryaan, waxaana cirka loo riday rasaas digniin ah.

Ku dhawaad boqol qof ayaa ku jira gudaha xarunta ciidanka, waxaana ay ku hubaysan yihiin dhalooyin laga buuxiyay walxaha qarxa.
Geed weyn oo ku yaalla afaafka hore ee saldhiga ayaa waxaa suran tabeelo lagu qoray "Rasaas ha ku furin shacabka Kramatorsk"

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada