Natiijada:- Doorashooyinka Baarlamaanka Ee Shaley ka Dhacay Dalka Indonesia Oo.

Natiijada:- Doorashooyinka Baarlamaanka Ee Shaley ka Dhacay Dalka Indonesia Oo.

daajis.com:-Shalay oo taariikhda ahayd 9 bisha april waxaa doorashada baarlamanka ka bilaabatay dalka indonesia iyadoo ay ku dagaalamayan xisbiyo fara badan oo gaaraya ilaa 11 xisbi ila iyo hada qiimeyn ay sameeyan hey adaha qaabilsan tirinta cododka deg dega(quick-count) ayaa waxay sheegayan ilaa iyo hada in ay hogaanka u haayan xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Indonesia "Democratic Party – Struggle" oo ay hogaamiso haweeneydii wadankan horey madax weynaha ugu soo noqotay Megawati Sukarnoputri.

Halka xisbiga ku soo xiga ee "Party of the Functional Groups" waa xisbiga kaliya ee ku soo dhaw xisbiga ay hogaamiso mengaweti Party of the Functional Groups waxaa hogaaminaya Aburizal Bakrie oo ah nin ganacsade caan ka ah indonesia sida ay hada wax u socdaan waxay sameyn ku yeelan doonta doorashada madax weyni iyadaa dadka wax saadaliya ay sheegayan inuu xisbiga mucaraadka ay ku guuleysan doonan  talada dalka. 


dhan kale xisbiga hada talada haye ee Democratic Party ayaa waxaa soo wajahay hoos u dhac weyn iyadoo doorashadii dhacday 2009 ay si weyn ugu guuleysten cododkii baarlamanka madax weynaha hada xilka ka sii dageya ee susilo bambang yudhoyono shir jaraaid uu xalay ku qabtay xarunta madax tooyada ee jakarta ayaa wax uu sheegay in xisbigiisa uu kala dooran doono in xisbiyada kale ay la galaan awood qeybsi (coalition) ama ay noqon doonan mucaarad (opposition) hoos u dhaca soo wajahay xisbiga hada talada haye ayaa waxaa loo sababaynayaa iyagoo ay ku soo baxday musuq maasuq iyo lunsi hanti qaran.

la soco qeybta kale waxaan ku soo qaadan doona 3 musharax ugu cad cad inay ku guuleystan madax weyninimada indonesia taarikhdooda iyo kii ku guuleysta.

W/Q:- Abdulahi Daud Olow
E-mail:- daud89@ymail.com
muftaax@facebook.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada