Pakistan: maktabad loo bixiyay Shahiid Usama

Pakistan: maktabad loo bixiyay Shahiid Usama

daajis.com:-Iskuul ay gabdhaha ku bartaan diinta Islaamka oo ku yaalla dalka Pakistan ayaa maktabadiisa u bixiyay magaca hogaamiyihii hore ee Al-qacidda Usama Bin-Ladin.
Afhayeen u hadlay iskuulka, ayaa Bin-ladin ku qeexay inuu yahay shahiid, kaasoo ay dileen ciidamada Mareykanka 2011-kii.
Iskuulka waxaa aasaasay sheekh xagjir ah oo lagu magacaabo Mawlana Cabdul Aziz, si doo kale imaan ka ah masjidka gaduudan.
Sanadkii 2007-dii, masaajidka waxaa isku diriray mintidiin iyo meleteriga dalka Pakistan, waxaa ku dhintay boqollaal qof, taasoo ka dhalatay mowjado weeraro ah oo ay qaadeen mintidiinta Pakistan.

           Mowlana Cabdul Casis oo ah sheek ay baakstan sheegtay inuu yahay Mintid

Maktabadda iskuul ka oo weli dhismo uu ku socdo ayaa loo bixiyay, Shahiid Usama Bin-Ladin, waxayna sheegeen inay ku xasuusanayaan howlihiisii Islaam-ka.
Iskuulka ay gabdhaha wax kabartaa, waxaa lagu magacaabaa Jamiya Xafsa, wuxuuna ku yaalla dhismo aad u ballaaran oo ku yaalla bartamaha magaalada.
Mid kamid ah daaqadaha maktabadda ayaa lagu suray warqad ay ku qoran tahay Shahiid Usama Bin-ladin.
Kuraas iyo miisas lama dhigin gudaha dhismaha, balse waxaa yaallo laba kumbuyuutar oo dhulka la dhigay.
Qof u hadlay iskuulka waxa uu sheegay in ku sharfayaan hogaamiyihii hore ee Al-qacida oo uu u tixgeliyo inuu yahay qof geesi ahaa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 19:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada