Qof geed badda ku yaallo ku badbaaday

Qof geed badda ku yaallo ku badbaaday

daajis.com:-Booliska dalka Koofurta Kuuriya ayaa sheegay in maamula ku xigeenka mid kamid ah iskuulada dalkaasi inuu ka badbaaday doontii gadoontay.
Ninkan ayaa la helay asigoo saran geed ku yaallo badda, wuxuuna geedkaasi koray markii uu markab ka quusay.
Warbaahinta dalka Koofurta Kuuriya ayaa baahiyay in booliska ay sheegeen in mayd laga helay jasiiradda GIN DO oo ka tirsan deegaan lagu magacaabo Jindo, halkaas oo ah meesha ay isugu tageen ehelada rakaabkii saarnaa doonta.Wararka ayaa sheegayo inay jiraan hormaro laga sameynayo baadi-goobka maalintii sadaxaad socdo ee lagu raadinayo dadkii saarnaa doontii laga lahaa Koofurta Kuuriya.
Sida ay sheegtay mid ka mid ah wakaaladaha wararka, maamula ku xigeenka badda laga soo saaray inuu naftiisa ku eedeeyay sida loo badbaadiyay.
Boqolaal ardey ah oo dhiganayay dugsiyada sare ayaa weli la la’yahay. Howlgalka baaritaan kana waxaa hortaagan dabeylo xoogan iyo mowjadaha badda.
Ciidamada ilaalada Koofurta Kuuriya ayaa sheegay in laba koox oo badbaadada ka shaqeeyo inay ku guuleysteen inay galaan doonta biyaha ay ladegeen, balse aysan jirin qof lasoo saaray.
Kooxaha ayaa gudaha la galay, qalabka lagu neefsado marka biyaha hoostooda lagu jiro, si ay ugu xiraan haddii ay arkaan qof weli nool.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 19:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada