Soomaali lagu bililiqeystay dal ay nabad ugu noolaan jireen, iyo qarash badan oo laga dhacay..

Soomaali lagu bililiqeystay dal ay nabad ugu noolaan jireen, iyo qarash badan oo laga dhacay..

daajis.com:-In ka badan 40 qof oo Soomaali ah oo u badan dadka gaadiidlayda ah ayaa ku xaniban xuduuda dalalka Itoobiya iyo Koonfurta Sudan.
Dadkan oo u badan rag ayaa sheegay in gaadiidkoodii looga reebtey dhinaca gudaha Koonfurta Sudan oo loo diidey inay kala gudbaan xadka Itoobiya, inkastoo iyaga loo oggolaaday inay u gudbaan dhinaca Itoobiya.
Waxay sheegeen in lagala hadhay ilaa 24 babauur oo iskugu jira baabuurta waaweyn ee tareellayaasha iyo kuwa iska-rogada ah.
Waa markii ugu horeysay ee dhibaato loogu geysto Soomaalida dalkan Koonfurta Suudaan, ayadoo horey ay soomaalidu dibaatooyin kala duwan kala kulmi jireen dalka Koonfur Africa, balse arintaan ayaa loo aaneynayaa dagaalada sokeeye ee dalkaan ka bilowday, lamana oga ilaa iyo heerka ay gaari doonaan dagaaladan, iyo barakaca soo wajahay dadka ajnabiga ah ee ku noolaa wadankaas.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada