Wasaarada Amniga oo sheegtay nin ka mid ahaa kuwii abaabulay weerarkii Xalane la qabtay

Wasaarada Amniga oo sheegtay nin ka mid ahaa kuwii abaabulay weerarkii Xalane la qabtay

daajis.com:-Wasaarada Amniga Qaranka ayaa ka warbixisay howl galo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen degmada Qoryooley iyo duleedka Muqdisho, kaasoo la sheegay in lagu soo qab qabtay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in howl gal laga sameeyay degmada Qoryooley lagu qabtay labo sarkaal oo uu xusay in mid ka mid ah inuu wax ka abaabulay weerarkii 2009-kii lagu qaaday Xarunta Xalane.

"Howl galkii Qoryooley waxaa lagu soo qabtay labo rag muhiim ah, mid ka mid ah wuxuu ka qeyb qaatay abaabulka weerarkii Xarunta Xalane lagu qaaday sanadkii 2009-kii, howl gal kale Muqdisho ka dhacay shan kale ayaa lagu qabtay, waa dagaalameen, iyagii iyo macal hubkooda la qabtay"ayuu yiri Ibraahim Isaaq Yarow.

Wasiir kuxigeenka Amniga ayaan sheegin magaca Saraakiisha la qabtay, iyadoo loo gudbiyay ragan xerada Xalane oo talis u ah AMISOM, isla markaana sidoo kale saldhig ku leeyihiin Hey'adaha sirdoonka reer galbeedka.

Bishii September ee sanadkii 2009 ayay aheyd markii weerar loo adeegsaday gaadiid ku buufsan astaanta UN-ka waxaa lagu qaaday Xerada Xalane, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa labaatan ka tirsan askarta AMISOM iyo saraakiil uu ku jiray Taliye xigeenkii AMISOM.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada