Xili Ciyaareed Kii Yaya Toure Oo Soo Dhamaaday Sida Uu Aaminsanyahay Pellegrini.

Xili Ciyaareed Kii Yaya Toure Oo Soo Dhamaaday Sida Uu Aaminsanyahay Pellegrini.

daajis.com:-Tababaraha kooxda Man City Manuel Pellegrini ayaa shaki xoogan ka muujiyay in laacib kiisa Yaya Toure uu markale u safto kooxda inta ka harsan xili ciyaareed kan.

Yaya Toure ayaa laga saaray bilowga ciyaartii maanta ay guul daro 3-2 ka soo gaartay kooxda Liverpool kadib markii la ogaaday in laacib kaan uu san awoodin inuu dhamaystirto ciyaarta, Pellegrini ayaana sheegay inuusan filayn in Yaya Toure uu u safto mar kale kooxdiisa xili ciyaareed kan.
Pellegrini oo waraysi siiyay BeIN Sport ciyaarta kadib ayaa yiri “Yaya Toure?… way adagtahay inuu ciyaaro kulan ka soo socda, bari ayaan arki doona inta uu la egyahay dhaawiciisa, mana filaayo inuu mar kale soo laaban doono xili ciyaareed kan”.
“Lakiin waxaan dagaalka ku sii wadi doona ciyaartoyda aan haysano hada, waxaan awoodeena kama danbaysta ah isugu gayn doona sidii aan ku guulaysan lahayn 6da kulan ee noo hartay”.
Dhanka kale waxaa jira warar aan la hubin oo sheegaya in Yaya Toure uu garoomada ka maqnaan doono 10 ilaa 14 isbuuc taas oo ka hor istaagaysa inuu ciyaaro koob ka adduunka ee dhawr isbuuc kadib ka bilaaban doona Brazil.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada