Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday Jaziirad Kenya ku taala

Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday Jaziirad Kenya ku taala

daajis.com:-Dagaalyahanno la rumeysan yahay inay Al-Shabaab yihiin, ayaa weeraray hoteello iyo saldhig booliis oo ku yaalla deegaanka Mpeketoni oo ku dhow jasiiradda looga dalxiiska tago ee Lamu, milatariga Kenya ayaa sidaas sheegay.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen dhismooyin dab uu qabsaday iyo is-rasaaseyn xooggan oo ka dhaceysa deegaankaasi. 


“Waxaan arkay ugu yaraan meydadka lix qof oo dhulka yaalla” ayuu yiri qof goob-jooge ah.

Dagaal yahannada ayaa lagu warramay inay hubka iyo gaadiidka kasoo dhaceen saldhigga booliiska Mpeketoni, kadib markii ay dab qabadsiiyeen.

Dhammaan dadkii daganaa deegaanka Mpeketoni, ayaa la sheegay inay u qaxeen keymaha, kadib markii uu weerarka billowday 8-dii habeennimo ee xalay oo axad ahayd.

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya Major Emmanuel Chirchir, ayaa sheegay in dableyda ay soo galeen Mpeketoni, kadibna ay rasaas oodda ka qaadeen.
“Waxaan u maleynayaa inay yihiin Al-Shabaab” ayuu yiri Chirchir.

Taliyaha booliiska Mpeketoni Hamaton Mwaliko, ayaa isna wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay afduubteen baabuur yaallay magaalada Witu, kadibna ay weerarka kusoo qaadeen.

“Waxay marka hore weerareen saldhigga booliiska ee Mpeketoni, kadibna Hoteello badan oo uu ku jiro Farmers Hotel” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay inay baxsadeen, balse ay ku raad joogaan.

Weerarkan ka dhacay jasiiradda dalxiis ee Lamu, ayaa sii wiiqaya dhaqaalihii dalxiis ee Kenya, oo markii horeba dhulka sii galayey, kadib weeraro is-daba joog ah oo dalkaas ka dhaca


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada