Taageere Isbaanish Ah Oo Ku Guuleystay 100 Kun Euro Markii Uu Sadaaliyay In Xulkiisa Ay Guuldarro 5-1 Ka Soo Gaareyso Holland.

Taageere Isbaanish Ah Oo Ku Guuleystay 100 Kun Euro Markii Uu Sadaaliyay In Xulkiisa Ay Guuldarro 5-1 Ka Soo Gaareyso Holland.

daajis.com:-Inta badan shacabka Spain ayaa ahaa kuwa ka xun guuldaradii xumeyd ee 5-1 ee ka soo gaartay Netherlands Koobka Adduunka habeenkii jimcaha.
Laakiin waa intooda badan, marka laga reebo hal taageere oo Isbaanish ah.
Taageerahaan ayaa markii ay ciyaarta dhamaatay ka tagay goobtii uu ciyaarta ku daawanayay isagoo dhoolacadeynaya sababtoo ah waxa uu ahaa ninka kaliya ee sadaaliyay natiijadaas, isagoo ku guuleystay shidaal u dhigma 100 kun euro.
Jacobo Rios-Capape oo 56 sanno jir ah degana magaalada Valencia ayaa ka mid ahaa 70 kun ruux oo ka qeybqaatay tartan saadaalin ah oo qabatay shirkada shidaalka Spain Cepsa oo ka mid ah shirkadaha uu xulka Spain xayaysiinayo.
Waxaana uu ahaa ninka kaliya eek a tirsan 70kaas kun ee si sax ah u sadaaliyay in Spain lagu xasuuqayo 5-1 kulankoodii Holland, isagoo qaatay abaalmarintii tiilay oo aheyd 100 kun euro oo shidaal ah.
“Inkastoo sida iska cad aan doonayay in Spain ay badiso, waxaan ku fekeray haddii ay Netherlands ina garaaceyso inay nagu garaaci doonto six un.” ayuu Jocobo u sheegay jariirada Marca.
“Sidaasi darted waxaa ku fekeray 5-1, xitaa anigoon hubaal u dhihin.”
Spain ayaa kulankooda soo socda ee Group B waxa ay la ciyaarayaan Chile maalinta arbacada, waxaana Jocobo uu qorsheynayaan inuu tartan saadaalin kale ka qeyb qaato.

“Waxa ay ii noqon doontaa inaan ka aarsado guuldaradii Netherlands” ayuu u sheegay Marca.
“Waxaan u socdaa inaan gaarigeyga shidaal ka buuxsado, waxaana sharad ku geli doonaa in Spain ay Chile ku garaaceyso 5-1.”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada