Farxiya Kabayare, waxay ku fiican tahay Difaaca Dalka Nimco Dareena Arimaha Bulshada iyo Madadaalada

Farxiya Kabayare, waxay ku fiican tahay Difaaca Dalka Nimco Dareena Arimaha Bulshada iyo Madadaalada

daajis.com:-Qaar ka mid ah Fanaaniinta Jiilka dhexe ee sida weyn ugu tartama suuqa Sumcad raadis Fanka Soomaalida ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuula sidii ay u soo bandhigi lahaayeen Muuqaalo u gaar ah.

Hase ahaatee Nasiibdarada haysata ayaa waxaa ka mid ah in ay isu daydaan si deg deg waana sababta keenta in aysan jirin naqshad ama fikir u gaar ah midkood.

Labada Fanaan ee kala ah Nimco Dareen iyo Farxiya Kabayare ayaa la wadaagay Taageerayaashooda sawirro ay xambaarsan yihiin Qoriga loo yaqaano AK47 iyagoo ka raadinaya in ay sumacad ugu helaan taageerayaashooda.

Balse waxaa Su,aal la iska waydiiyay qaabka ay u haystaan Qoryaha iyo sida ay ugu soo diyaargaroobeen qabashada Qoriga oo laga dareemayo sawirrada laga helay.
Nimco Dareen waxa ay u muuqataa in aysan u sii diyaar garoobin oo lagu qasbay intii ay ku sugneyd dhulka Soomaalida ay degto ee Itoobiya sidaas darteedna laga dheehanayo in aysan shaqo ku laheyd qori iyo waxyaabaha loo adeegsado ee Dagaalka.

Halka Farxiya Kabayare ay u muuqato askarid soo dhamaysatay tababar ciidan oo heer sare ah waayo waxaa ay isu soo diyaarisay qabashada Qoriga, waana xiligii ay booqatay Muqdisho, Taageerayaasha Qaarna waxa ayba leeyihiin iyadaa ka wadata Nimco dareen.
Waxaana ay ku soo gabagabeeyeen in Farxiya Kabayare ay ku haboon tahay Askarta iyo waxyaabaha la xiriira ee difaaca Dalka halka Nimco Dareen ay ku haboontaha Arimaha Bulshada iyo Madadaalinta Shacabka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada