Madaxweynaha:- oo sheegay in la cafinayo Hogaamiyaha Al-Shabaab, hadii uu ka tanaasulo fekerka uu hada qabo

Madaxweynaha:- oo sheegay in la cafinayo Hogaamiyaha Al-Shabaab, hadii uu ka tanaasulo fekerka uu hada qabo

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo xalay ka qeybgalaye Barnaamijka Doodwadaag ee TV-ga Universal ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ku aadan Dowladiisa, iyo Ururka Al-Shabaab.


Xasan Sheekh Maxamuud oo wax laga weydiiyay arimaha Ururka Al-Shabaab, ayaa la weydiiyay su’aal ku aadaneyd suurtagalnimada in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay cafis ufidiso hogaanka Sare ee Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku jawaabay in Hogaamiyaha Al-Shabaab Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo loo yaqaan Axmed Godane la cafinayo, hadii uu ka tanaasulo fekerka qaldan ee uu ku jiro, isaga oo intaasi raaciyay in shacabka Soomaaliyeed hadii ay cafiyaan Godane Dowladda Soomaaliya ay cafinayso.

“Ninkasta oo Soomaali ah oo Godane uu ku jiro hadii waxa uu ku jiro uu ka baxo uu cadeeyo inuu ka baxo umadda waa ay cafinaysaa laakiin dadkaan dalkaan ayaa dalkooda ah waa ay qaldan yihiin qalad ayeey ku jiraan hadii ay ka baxaan qaladaadkaasi waa la cafinayaa”Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Su’aalihii la weydiiyay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale kamid ahaa in Dowladda Soomaaliya intii ay jirtay ay ku fashilantay hanaanka Maamulka dalka, waxaana uu Madaxweynaha uu isku difaacay inuusan aaminsaneyn in Dowladda Soomaaliya ay fashilantay.

Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu sheegay in Dowlad leh ciidamo gaaraya 30,000 ayna ushaqeeyaan Shaqaalo rayid ah oo gaaraya 5000 aan lagu tilmaami karin inay fashilantay, balse Dowladda ay wado dadaalo kala duwan oo ku aadan Hanaanka horumarinta dalka Soomaaliya.

Dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa isku soo dhiibay Hogaamiyihii Al-Shabaabka Buuraha Gal-gala Sheekh Maxamed Saciid (Atam) kaasi oo sheegay inuu Shabaab ka baxay, balse Dowladda ilaa hada ma aysan cadeyn waxa ay ka yeeli doonto Sheekh Atam.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa kamid ah Hogaamiyeyaasha Shabaabka kasoo baxsaday ee gacanta Dowladda weli ku jira oo aysan Dowladda Soomaaliya cadeyn, waxa ay ku sameyn doonto.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada