Ciidamo katirsan Dowlada oo maanta xili dharaar cad ah lagu dilay Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho

Ciidamo katirsan Dowlada oo maanta xili dharaar cad ah lagu dilay Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya magaalada muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan ay toogasho ku dileen labo askari oo ka tirsan Ciidamada ilaalada waddooyinka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Taraafikada isgoyska Dabka ee degmada Waabari.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda dilka gaysatay ay ka koobnaayeen Sedex ruux oo bastoolada ku hubaysan, kuwaasi oo rasaas la dhacay Labadaan askari oo howl maalmeedkooda ku guda jiray, iyagoo markiiba goobta ka baxsaday sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogeyaal ahaa.

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaalida sida Nabadsugidda iyo Booliiska ayaa markiiba goobta gaaray waxaana hadda agagaarka Isgoyska Dabka ee degmada Waabari ka soconaya Baaritaano lagu baadi goobayo kuwii dilka ka dambeeyay oo la sheegay in markii ay dilka fuliyeen ay ku baxsadeen gaari yar oo ay watteen.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada waddooyinka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cali Xirsi Cali Gaab oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey dilka Labadaan askari, isagoo sheegay in ay wadaan baaritaano.

"Labada Askari ee ka tirsan Ciidamada Nabadgalyada waddooyinka waxaa lagu dilay Isgoyska Dabka, waxaana lagu kala magacaabay Isaaq Salaad Jimcaale iyo Maxamuud Maxamed Maxamuud, Nimankii Bastooladaha wadan jireey ahaayeen, ninkii tiisu gasho ayaa dhimanaya, ninka aan tiisu galin dhiman mayo" ayuu Yiri Cali Gaab.



Dilka Labadaan askari ee ka tirsan Ciidamada Nabadgalyada waddooyinka Muqdisho, xilli dowladdu ay ku dhawaaqday qorshe ammaanka lagu sugayo oo loogu magac daray" Nabad ku Afur", balse inta badan Ciidamada Taraafikadu kama aysan mid ahaan jirin kuwa la beegsado, iyadoo ay ka tirsan yihiin Ciidamada Booliiska.

Ugu dambayntii illaa hadda ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda Dilkaan loogu labada Askari ee ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada waddooyinka Dowladda Soomaaliya, waana markii ugu horaysay ee dil loo gaysto saraakiil ka tirsan Ciidamadaan Tafaarikada inta la xasuusto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada